Archive for May, 2010

Xisbiga KULMIYE Oo Xaflad Balaadhan U Sameeyey Beesha Reer Shirdoon Oo Muujiyey Taageerada Ay U Hayaan Xisbigaas.

http://www.ramaasnews.com/images/wwww.jpg

Hargaysa (Kulmiy.org) May 29, 2010 - Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa maanta xaflad soo dhawayn ah u sameeyey taageerayaal tiro badan oo sheegay inay xisbiga hore uga mid ahaayeen, balse ay taageeradooda u muujinayaan xisbiga.  Munaasibad balaadhan  oo lagu qabtay barxada hore ee Xisbiga KULMIYE ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga Read more »

Boqollaal Dadweynaha ku Dhaqan Deegaanka Abaarso oo si Diiran u Soo Dhaweeyey Madaxda Xisbiga KULMIYE


Hargeysa(KULMIYE.ORG)-:- Masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga KULMIYE, ayaa maanta si diiran u soo dhaweeyey boqolaal qof oo Xisbigooda ku soo biiray, isla markaana waxay ku qaabileen Xaflado waawayn oo maanta lagu qabtay Xarunta Xisbigaas ee magaalada Hargeysa iyo Tuulada Abaarso ee duleedka Caasiadda. Read more »

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye oo Cambaareeyay Muwaadin Saddex Cisho Berbera ugu Xidhan Gudida Nabadgelyada

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa cambaareeyay xadhiga lagula kacay Ibraahin Xaaji Cabdi Cilmi oo ah muwaadin haysta dhalashada wadanka Canada, isla-markaana maalintii Saddexaad xabsiga magaalada ugu xidhan guddida nabadgelyada gobolka Saaxil ee uu Gudoomiye Maayarka Berbera. Read more »

Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Hawd Oo Xukuumada Ku Eedeeyay In Ay Ka Horjoogsadeen Xaflad Beri Ka Dhacaysa Baligubadle

http://www.hadhwanaagmedia.info/attached/u_13798d_2010-5-28-14-36-52f_hawd.jpg

Hargeysa (Kulmiye.org) Xogyaha Guud ee xisbiga Kulmiye, siyaasiyiin, xubno ka mid ah xildhibaanada xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Hawd ayaa maanta gaashaanka ku dhuftay in  siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ah ee kulmiye laga horjoosado in ay ka qayb galaan xaflada sanad guurada 1-aad Read more »

KA CARROW RIYAALOW By Yuusuf Cabdi Ibraahim (kolombos)

http://www.somalilandtoday.net/wp-content/uploads/2010/02/riyaale.fadhi4_.jpg

Waxaa dhawaan ka dhici doonta dalka  Somaliland doorashadadii madaxtinimada dalka.Dadweynaha u dhashey  dalka Somaliland ayaa tilmaamo kala duwan ka bixiyey cidda hanan doonta xilkaa madaxweyne,iyagoo ku ladhaya sababta ay uga biyodiideen kuwa kale.Dadka qaarkood waxay ku cabireen qoraalo,halka qaar ku sugeen Read more »

27 Kii May Waxay Ahayd Maalin Farxad Leh

http://www.sdwo.com/hargeysadisarment.jpg
Dharaartii Weeye Ilaysku Dhulkeenii Ka Iftiimay
Waa Dharaartii Faqash Iyo Cadowgii La Dhirbaaxay
Waa Dharaartii Burco oo Dhan rasaas La Isala Dhex Qaaday
Waa Dharaartii Faqash Oo Dhan Dhiigoodii  Qulqulaayay Read more »

Guddoomiye Siilaanyo oo Hambalyo u Diray Mujaahidiinta SNM 22 Guurada ka soo Wareegtay Gudogalkii Dalka


Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal hambalyo ah u diray mujaahidiintii ururka SNM oo ku beegan xuska sannad-guradii 22-aad ee ka soo wareegtay Guddo-galkii Somaliland, gaar ahaan magaalada Burco. Read more »

Guddoomiye Xigeenkii Degmada Go’da Weyn oo is casilay Markii Dadweynaha Deegaanku Xukumada ku Mucaarideen

Hargeysa (KULMIYE.ORG)-Guddoomiye-ku-xigeenkii Degmada Go’da Weyn oo ka tirsan Gobolka Saaxil Mr. Maxamed Faarax Kooshin, ayaa daboolka ka qaaday inuu iska casiley xilkii uu hayey, kadib markii sida uu sheegay lagu cannaantay mucaaridknimada ay xukuumadda Rayaale iyo xisbigeeda UDUB kala horyimaadeen dadweynaha ku dhaqan degmada Go’ada Weyn iyo galbeedka Degmada Sheekh. Read more »

DHAARTII WEY OOFIYEEN WELI SE MIISAANKU WAA DHEELI Codkaaga Ku Ciil Bax….Qormadii 27Ahmed Arwo

http://www.longlivesomaliland.com/IMAGES/ahmed-arwo-b.gif
Tii hore dhammaatay qaybtii labaadna habsami iyo hanaan wacan ayey ku socotaa. Waa kaadh-bedelkii doorashada Madaxtooyada, oo komishanka doorashadu guul ka dhaliyeen. Waa loo bogay, la hanbaleeyey, lana  mahadiyey kolkaad ka reebto xukuumadda oo ay ahayd inay hanbalyada iyo Read more »

Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Oo Ku Eedeeyay In Madax Xukuumada Ka Tirsani ay Qas Iyo Qalaanqal Doorashada Ku Carqaladaynayaan

http://www.longlivesomaliland.com/IMAGES/muuse-biixi-suite-and-tie.jpg

Hargeysa(Kulmiye.org):-Guddoomiye Kuxigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyey ashkhaas ka mid ah xukuummada Madaxweyne Rayaale inay ku hawlan yihiin qas iyo qalaanqal ay ku doonayaan inay doorashada madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 26 June 2010,dib uga dhacdo,isla markaana waxa uu ugu baaqay beelaha laga abaabulayo  Buuhoodle inay dagaal ka dhaco inay dantu ku jito Read more »