Archive for July, 2010

Madaxweyne Silaanyo oo Tacsi u Diray Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xariir Sheekh Cismaan

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha cusub ee shacabku soo doortay Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xariir Sheekh Cismaan Nuur oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska, shalay oo taariikhdu ahayd 22, JULY, 2010 lagu aasay Magaaladda Burco ee Xrunta Gobolka Togdheer. Read more »

Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo Dhambaal Tacsi ah u Diraya Marxuun Maxamed Cali Ebyan (Wadaadyare

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha cusub ee shacabku soo doortay Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuun Maxamed Cali Ebyan (Wadaadyare) oo shalay ku geeriyoodey magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.
Read more »

Safiirkii Hore Ee Faransiiska U Fadhiyay Djibouti Oo Madaxweynaha Cusub Ku Booqday Gurigiisa

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Wefdi uu hogaaminyo Safiirkii hore ee Faransiiska u fadhiyay dalka Jabuuti Mr. Dominic, ayaa maanta ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa. waxaana wefdiga halkaa kusoo dhoweeyay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Faranasiiska Mudane Cali Sheekh, xoghayaha arrimaha debeda ee xisbiga Kulmiye Dr.Maxamed C/llaahi iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid ahayd Marwo Adna Aadan Ismaaciil. Read more »

Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka oo Shaaciyey Waqtiga ay soo Bandhigayaan Xogta ay ka Heleen Boobka Hantida

Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Guddida Madaxweynaha la soo doortay u xilka saaray ilaalinta iyo dabogalka hantida qaranka muddada kala guurka, ayaa shaaca ka qaaday in warbixintoodii u horreysay ee ay ka diyaariyeen hantida qaranka ee taala iyo la lunsaday ay soo bandhigi doonaan 25-ka bishan aynu ku jirno. Read more »

Xisbiga Kulmiye Oo Munaasibad Mahad Naq Ah U Qabtey Xubnihii Ugu Firfircoona Ololahii

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Munaasibad loogu mahadnaqaayey dhamaan xubnihii ugu firfircoonaa wakhtigii ololaha doorashada madaxtoooyada ee kulmiye ku guuleystye ayaa lagu qabtey hotelka Imperiyal Ee Magaalada Hargeysa .
Munaasibadani oo ay aheyd mahadnaq dhamaan gudidii ololaha degmooyinka gobolka maroodijeex ayaa waxaa kazoo qayb galley Madaxweyne kuxigeenka ladoortey Ee Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Shire {Saylici}.gudoomiyaha ololaha xisbiga kulmiye ee gobolka maroodijeex Xildhibaan Axmed Maxmaed Diiriye Nacnac/Jamal Caydiid Xildhibaan Obsiiye, Gudoomiyaha gobolka maroodijeex ee kulmiye Xamarje/Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee Garabka Haweenka Layla Cismaan Iyo Qaarkamid ah gudoomiyayaasha degmooyinka ee xisbiga kulmiye . Read more »

Kooxo Hubaysan oo Magaalada Berbera ku Weeraray Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE

Berbera,(KULMIYE.ORG/Berberanews)-Saddex nin oo ku hubaysan budhadh iyo tooriyo, ayaa magaalada Berbera ku soo weeraray Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Mustafe Maxamed Yoonis (Waxdad).
Abaaro shantii iyo badhkii galabnimmo ee maanta, ayaa saddexdan nin soo weerareen Xoghayaha oo hor fadhiya meherad kaalin shidaal ah oo uu ku leeyahay Berbera uu ku warhelay saddexda nin oo buburiyay, dhulkana dhigay badi muraayadihii gaadhigiisa, ka dibna markii ay ka soo joosteen gaadhiga, ayay nimankii u soo dhaqaaqeen dhinaca Mustafe Waxdad, haseyeeshee markii ay ku soo dhawaadeen ayuu Xoghayuhu ku riday rasaas uu iskaga caabiyay weerarkii ku soo maqnaa, taasoo sababtay inay saddexdii nin yaacaan oo baxsadeen. Read more »

Madaxweynaha la Doortay iyo Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa oo Kulan Yeeshay

Hargeysa (KULMIYE.ORG/Jam)- Madaxweynaha la doortay ee dhawaan xilka la wareegaya Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Ku-xigeenka Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya Mr. John Marshal oo booqasho maalmo ah somaliland ku jooga. Read more »

Madaxweynaha la Doortay oo Beeniyey Wasirro Hordhaca oo Warbaahintu Qortay

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa beeniyey inuu magacaabay wasiirro hordhaca oo ay daabaceen qaar ka mid ah warbaahinta madaxabannaan ee dalku. Read more »

Ganacsade Al-jaabiri oo hambalyo u diray Madaxweyne Siillaanyo

Hargeysa- (KULMIYE.ORG/Ogaal)- Shirkadda Ganacsiga Xoolaha Sulaymaan Al-jaabiri, ayaa Madaxweynaha la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ku hambalyaysay xilka loo doortay, isla markaana shacabka Somaliland ku bogaadiyay xailoonidii ay doorashada ku galeen. Read more »

Madaxweyne Siilaanyo oo Dhigoosa Yuganda ka Tacsiyeeyey Falalkii Argagixiso ee Kampala

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-War-saxaafadeed:Waxaan aad uga xumaaday falalkii argagixiso ee ka dhacay caasimada dalka Ugaandha ee Kampala kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac labadaba. Waxaan anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan shacabka Somalilanba u dirayaa tacsi eheladii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka reer Ugaandha geerida naxdinta leh ee ku timid shacabkooda. Waxaan cambaareynayaa dadkii ka dambeeyey falal dambiyeedkani; waxaanan ku talinayaa in dadkii ku kacay dambiyadani la kor keeno sharciga Read more »