London(Jam/KULMIYE.ORG)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa saaka abaaro 07:00 aroornimo ka soo degay garoonka dayuuradaha ee Caalamiga ah ee Heathrow, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay qaar ka mid ah Jaalliyada reer Somaliland ee magaalada London , wakiilka Somaliland ee UK Axmed Cumar Sangoore, Wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya Aadan Nuux Dhuule, La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha caalamka iyo aqoonsiga Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, Gudoomiyaha Jaalliyada Somaliland ee UK SSUK Axmed Daahir Cilmi, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye UK Ibraahim Xuseen, gudoomiye-xigeenka Kulmiye UK Cabdo Bacow. Read more »