Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti Ganacsato Shiine ah oo Booqday Warshadda Sharaabka ee SPI
Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi wefti ganacsato ah oo u dhashay dalka Shiinaha, ayaa shalay gelinkii hore booqasho ku tegay xarunta warshadda soo saarta sharaabka ee SPI oo ku taal degaanka Jaleelo oo dhinaca woqooyi/bari ka xiga caasimadda Hargeysa. Socdaalka Muuse Biixi iyo ganacsatada Shiinaha ah ku tageen shirkaddaas, waxa ku [...]
Ujeeddada Safar Wasiirro Xukuumadda Somaliland ka Tirsan ugu Baxeen Dalka Maraykanka
Hargeysa (KULMIYE)- Wasiirrada Hawlaha Guud iyo Beeraha – Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) iyo Md. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), ayaa u kicitimay shalay dalka Maraykanka, halkaas oo ay kaga qeybgalayaan xaflado ay jaaliyadda Somaliland ee ku waddankaasi ugu dabbaal-degi doonaan 21-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland oo ku beegsan 18ka bisha [...]
Xukuumadda Somaliland oo ka noqotay wada-hadalka Somalia
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Wasiirka Arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta shaaca ka qaaday in xukuumadda Somaliland ay ka soo noqotay wada hadalkii ay la yeelan lahayd dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, waxaanu ku eedeeyay madaxweynaha TFG-daa Soomaaliya inuu carqaladeynayo jawigii shirkaasi ku qabsoomi lahaa. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo ka mid [...]
Nuxurka khudbaddii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ka jeediyay gebigebada shirka Golaha dhexe
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay gabo-gabaddii shirweynaha golaha dhexe ayaa u mahad celiyay ergadii Golaha dhexe, waxaanu tilmaamay inuu xisbigoodu qabyo-tirtay hawlihiisii gaar ahaan shuruucda iyo buuxinta xubnihii ka banaanaa Golaha dhexe iyo Hoggaanka xisbiga. “Walaalayaal, shirkeenan maanta waan arkayaa inuu aad iyo aad u shaqeeyay oo aynu saacado badan [...]
Shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE oo lagu doortay xubno cusub, kuwo la eryay iyo wax-ka-bedelka Xeerka
Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Golaha Dhexe ee xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE ayaa maanta xilkii, xubinimadii Golaha dhexe iyo xubinimaddii xisbiga ka saaray Guddoomiye Ku xigeenkii 2-aad ee xisbigaasi Md. C/Raxmaan C/Qaadir oo lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay siyaasadii iyo xeerarkii xisbiga KULMIYE. Ka dib markii uu warbaahinta dhawr jeer ka cambaareeyay kana naqdiyay Xukuumadda Madaxweyne [...]
Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE oo ka furmay iyo khudbado ay ka jeediyeen madaxweynaha iyo Guddoomiyuhu
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa furay shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo goor dhawayd ka furmay Hudheelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Shabeel oo ugu horayn halkaa ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi, “Mudanayaal iyo marwooyin, xubnaha Golaha dhexe oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somaliland [...]
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo ka hadlay shirka Golaha dhexe iyo Guulihii xukuumaddu gaadhay
Hargeysa (Kulmiye.Org) Gudoomiyuhu wuxuu xusay in doorashadii ku xigtay ee dalka ka dhacday bishii April sannadkii 2003dii uu ka helay Codadkii la dhiibtay Boqolkiiba Laba iyo Afartan isla markaana uu kaalin sare ka galay doorashadii Golaha Wakiilada ee 29 Sep 2005-tii wadanka ka qabsoontay,waxaa kale oo Gudoomiyuhu intaas ku daray in doorashadii u danbaysay ee [...]
Munaasibad loo sameeyay hawl-galkii Halgameyaashii SNM kula baxeen Mujaahid C/Laahi Askar
Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cali Yuusuf Axmed oo ay weheliyaan Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed ayaa maanta ka qayb galay munaasibad loo sameeyay Geesiyadii ku suntanaa hawlgalkii Birjeex ee lagula baxay alle ha u naxariistee Marxuum C/laahi Askar [...]
Xisbiga KULMIYE oo Cayimay Shirweynaha Golaha dhexe
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)- Xisbul-xaakimka KULMIYE, , ayaa ku dhawaaqay Maalinta shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga oo ah, 14-ka bishan April, baaqna u diray dhammaan xubnaha Golaha dhexe inay yimaadeen Xarunta ka hor shirka Golaha Dhexe. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Golaha dhexe Jaamaca Shabeel, Xogahaya Xasan Siciid Yuusuf, Xildhibaan Siciid Cilmi iyo masuulliyiin kale [...]
Guddoomiyaha KULMIYE oo la Filayo inuu Caddaysto Hankiisa Siyaasadeed
Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah hankiisa siyaasadeed uga caddeeyo marka uu furmo shirka golaha dhexe ee xisbigiisa oo dhowaan ku qabsoomi doona caasimadda Hargeysa. Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Jamhuuriya, waxa uu Md. Muuse Biixi Cabdi damacsan yahay inuu murrashaxnimadiisa jagada [...]