Ogeysiis: Kasoo qayb gal shirka Kulmiye ee xaafadaha galbeedka iyo koonfurta London
(KULMIYE.ORG) Saturday, April 28, 2012
Waxa si xishmad leh looga codsanayaa taageereyaasha xisbiga KULMIYE ee ku nool xaafadaha Harrow
![]() |
Waxa si xishmad leh looga codsanayaa taageereyaasha xisbiga KULMIYE ee ku nool xaafadaha Harrow, Brent, Ealing, Hillingdon iyo Hounslow ee London inay ka soo qayb galaan shir ballaadhan oo lagaga hadlayo dardar gelinta hawlaha Xisbiga oo maalinta Sabtida ee Bishan April tahay 28/2012 lagu qaban doono cinwaanka hoos ku qoran:
Nadi Park Royal
260 Old Oak Common Lane
NW10 6DX
West London
Waqtigw waa 14:30 ilaa 18.00pm.
Nearest tube station: Willesden Junction,
Fadlan waqtiga ha la ilaaliyo,
Allaa Mahad leh
Guddiga fulinta wixii faahfaahin ah waxad kala xidhiidhi kartaan: fulintauk@gamil.com
Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti Ganacsato Shiine ah oo Booqday Warshadda Sharaabka ee SPI
Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi wefti ganacsato ah oo u dhashay dalka Shiinaha, ayaa shalay gelinkii hore booqasho ku tegay xarunta warshadda soo saarta sharaabka ee SPI oo ku taal degaanka Jaleelo oo dhinaca woqooyi/bari ka xiga caasimadda Hargeysa.
Ujeeddada Safar Wasiirro Xukuumadda Somaliland ka Tirsan ugu Baxeen Dalka Maraykanka
Hargeysa (KULMIYE)- Wasiirrada Hawlaha Guud iyo Beeraha – Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) iyo Md. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), ayaa u kicitimay shalay dalka Maraykanka, halkaas oo ay kaga qeybgalayaan xaflado ay jaaliyadda Somaliland ee ku waddankaasi ugu dabbaal-degi doonaan 21-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland oo ku beegsan 18ka bisha May ee soo socota.
Xukuumadda Somaliland oo ka noqotay wada-hadalka Somalia
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Wasiirka Arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta shaaca ka qaaday in xukuumadda Somaliland ay ka soo noqotay wada hadalkii ay la yeelan lahayd dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, waxaanu ku eedeeyay madaxweynaha TFG-daa Soomaaliya inuu carqaladeynayo jawigii shirkaasi ku qabsoomi lahaa.
Nuxurka khudbaddii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ka jeediyay gebigebada shirka Golaha dhexe
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay gabo-gabaddii shirweynaha golaha dhexe ayaa u mahad celiyay ergadii Golaha dhexe, waxaanu tilmaamay inuu xisbigoodu qabyo-tirtay hawlihiisii gaar ahaan shuruucda iyo buuxinta xubnihii ka banaanaa Golaha dhexe iyo Hoggaanka xisbiga.
Shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE oo lagu doortay xubno cusub, kuwo la eryay iyo wax-ka-bedelka Xeerka
Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Golaha Dhexe ee xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE ayaa maanta xilkii, xubinimadii Golaha dhexe iyo xubinimaddii xisbiga ka saaray Guddoomiye Ku xigeenkii 2-aad ee xisbigaasi Md. C/Raxmaan C/Qaadir oo lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay siyaasadii iyo xeerarkii xisbiga KULMIYE. Ka dib markii uu warbaahinta dhawr jeer ka cambaareeyay kana naqdiyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ka dhalatay xisbigaas.
Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE oo ka furmay iyo khudbado ay ka jeediyeen madaxweynaha iyo Guddoomiyuhu
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo ka hadlay shirka Golaha dhexe iyo Guulihii xukuumaddu gaadhay
Hargeysa (Kulmiye.Org) Gudoomiyuhu wuxuu xusay in doorashadii ku xigtay ee dalka ka dhacday bishii April sannadkii 2003dii uu ka helay Codadkii la dhiibtay Boqolkiiba Laba iyo Afartan isla markaana uu kaalin sare ka galay doorashadii Golaha Wakiilada ee 29 Sep 2005-tii wadanka ka qabsoontay,waxaa kale oo Gudoomiyuhu intaas ku daray in doorashadii u danbaysay ee Madaxtooyada ee Somaliland ka hirgashay 26kii bishii Juun 2010kii uu Xisbiga Kulmiye ku guulaystay boqolkiiba Konton sidaana uu ku hantay hogaaminta Qaranka. Read more »
Munaasibad loo sameeyay hawl-galkii Halgameyaashii SNM kula baxeen Mujaahid C/Laahi Askar
Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cali Yuusuf Axmed oo ay weheliyaan Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed ayaa maanta ka qayb galay munaasibad loo sameeyay Geesiyadii ku suntanaa hawlgalkii Birjeex Read more »
Ogsiisay Ku Socda Dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Md Xasan Siciid Yuusuf wuxuu Ogaysiinayaa dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Read more »


